Hindiya: Nin Gabadh U Jeclaa Madaxa Ka Jaray Kadib Markii Uu Ka Shakiyay In Ay Nin Kale Xidhiidh La Leedahay!

0
206

India (Tayosame News) Shakigu waa aafo halis ah isla markaana qofka uu shaki ku dhaco waxa uu noqonayaa qof si toos ah ugu hogaansan go’aamada Qaldan ee ay naftiisu ku hagto.

Nin u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa uu qudha ka jaray Gabadh uu aad u jeclaa kadib markii uu ka shakiyay in ay khiyaamayso isla markaana ay xidhiidh la leedahay nin kale.

Ninkan oo magiciisa la yidhaahdo Beritish Patel ayaa waxa uu qudha ka jaray Gabadhii uu jeclaa oo magaceeda la odhan jiray  Jyoti Surjeet Singh.

Beritish ayaa waxa uu gabdhaasi ka jaray Madaxa kadib markii uu ka shakiyay in ay nin kale ay xidhiidh hoos ahaaneed la leedahay .

Ciidamadda amaanka ee Dalka Hindiya ayaa sheegay in Beritish gacanta ku soo dhigeen isla markaana Sharciga la soo taagi doono maadaama oo uu badheedhay Dilka gabadhii uu jeclaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.