Texas (Hargeisa Press) – Ilhaan Cumar ayaa booqatay xarun lagu hayo dadka magangelyo doonka ah oo ku taalla gobolka Texas gaar ahaan xuduudda.
Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale waxay ka sheekeysay dhibaatadii ay soo martay markii ay ku jirtay xero qaxooti oo ku taalla Kenya.
“Aniga carruur ayaan ahaa markii aan soo qaxayay, sida carruurta halkan ku sugan, waa arrin khalad ah aanan la aqbali karin” ayay tidhi Ilhaan oo la hadleysay boqolaal carruur ah oo muhaajiriin ah oo ku sugnaa xarunta.
Waxay sheegtay in loo baahan yahay in dhammaan ha’yadaha dowladda la howlgeliyo si wax looga qabto hannaanka lagu daryeelayo carruurta muhaajiriinta ah ee kasoo tallaabeyso xuduudda.
“Waxaan u baahanahay in aan shaqo gelinno ha’yaddaha dowladda si ay u fududeeyaan hannaanka lagu daryeelayo carruurta muhaajiriinta ah ee kasoo tallaabeysa xudduudda..waxaa jiraa dadaallo wadajir ah oo wax lagaga qabanayo dhibaatada muhaajiriinta” ayay tidhi Ilhaan Cumar oo wareysi siineysay warbaahinta Msnbc.
Waxay sidoo kale sheegtay inay jiraan dadaallo si wadajir ah wax lagaga qaban karo dhibaatada muhaajiriinta.