UAE (Tayosame News) Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ku xidhay in ay wadahadal la gasho dowlada Federaalka Soomaaliya , kadib waan waan la doonayo in lagu xaliyo xiisada labada dal ka dhax aloosan.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya xadgudub sameysay kadib markii garoonka Aadan Cadde kula wareegtay lacag loo waday ciidanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Dr. Anwar Gargash in dowlada Soomaaliya ay hada garawsatay qaladkii ay sameysay, waxa uuna shuruud uga dhigay dowlada Soomaaliya in ay marka hore raali galin ka bixiso dhacdadii lacagta kula wareegtay kahor inta aan waan waan la galin.
“Dowlada Soomaaliya waa ay garawsan tahay qaladka xageeda ka dhacay, Waxaan dowladda Soomaaliya ka sugeynaa inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay” Ayuu yiri Anwar Gargash.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in uu jiro waan waan laga dhax wado iyaga iyo Dowlada Soomaaliya, waxa uuna ka gaabsaday in uu shaaciyo cida labada wadan waan waanta ka dhax wado.
Dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xiriirkoodu meel xun gaaray, waxa ayna taasi sababtay in Imaaraadka uu Soomaaliya kala baxo Saraakiil ciidan oo tababaro siin jiray ciidanka Soomaaliya sidoo kale xiraan Isbitaal ay Muqdisho ka fureen.