Inter oo markale isku dayeeysa saxiixa Arturo Vidal kadib bixitaankii Ancelotti

0
46

 Kooxda Inter Milan ayaa markale isku dayi doonta saxiixa laacibka qadka dhexe ee Bayern Munich.

Corriere dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Inter ay dib ugu soo laabanayso isu dayga saxiixa Arturo Vidal kadib markii uu baxay Ancelotti.

Tababaraha reer talyaani ayaa is hortaagay in Vidal uu u dhaqaaqo San Siro suuqii xaggaaga maadama uu muhiim u ahaa shaxdiisa Bayern Munich.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Arturo Vidal uu horay u ogolaaday inuu diyaar u yahay ku biirida kooxda reer talyaani.

Kooxda ayaana markale isku dayi doonta saxiixiisa suuqa janaayo ama kan ka danbeeya ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.