Iran: Haweenay Samaysatay Gadh Iyo Shaarubo Si Ay Uga Qayb Gasho Ciyaar Ay Laheyd Koox Ay Taageerto

0
31

Dalka Iran ayaa waxa ka dhaca arrimo badan oo cajiib ah, balse markani waxa arrin aad u
layaab badan noqotay in haweenay u dhalatay dalkaasi ay ka soo qayb gashay ciyaar
kubbada cagta ah oo ka dhacaysay garroonka Asard ee Magaalada Tahran ee Dalkaasi.
Haweenaydan ayaa waxay soo samaysatay gadh iyo shaarubo kuwaasi oo ay u
samaysatay kaliya inay ciyaartaasi kaga qayb gasho, xukuumada Iran ayaa waxay
dhawaan haweenka u dhashay dalkaasi ka joojisay inay soo galaan garoomada ay
ciyaaraha kubbada cagtu ka dhacayaan.
Haweenyadan ayaa noqonaysa haweenaydii labaad ee sidaasi samaysa tan iyo intii
haweenka dalkaasi laga joojiyay inay ka soo qayb galaan garroomada, haweenaydan ayaa
waxay ka qayb gashay ciyaartii kubbada Cagta ee dhex martay labada kooxood ee Istiqlaal
iyo pars ee ka dhisan dalkaasi haweenaydaasi ayaa waxa la sheegay inay si aad ah u
taageerto kooxda Istiqlaal sidaasi awgeedna ay u badheedhay gadhkaa iyo shaarubaha ay
samaysatay.

Dadka ku dhaqan dalkaasi ayaa waxay aad u dhalleeceeyeen sawirka haweenaydaasi oo
lagu baahiyay baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.