IRAN: Kumanaan Dibadbaxayaal Ah Oo Lagu Xidhay Iran Iyo Boqol Magaalo Oo Laga Mudaharaaday

0
26

Iran (Tayosame News) Dalka Iran ayaa muddooyinkii dambe waxa ka taagnaa bannaanbaxyo hor leh oo shacabka dalkaasi ay kaga soo hor jeedeen Hoggaamiyaha Dalkaasi ee Ali Khaamini iyo xukuumadda ka talisa Dalkaasi.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Dalkaasi oo magaciisa la yidhaahdo Ali Rida Rahiimi
ayaa waxa uu sheegay in tirada dadka bannaanbaxyadaasi loo xidhxidhay ay ka
badantahay 5,000 oo ruux, waxa kale oo uu sheegay in bannaan baxyadaasi ay ka
dhaceen 100 magaalo.
Rahiimi ayaa warbixintani siiyay wakaalada Wararka ee Elina oo Wargayska Himilo ka soo
xigtay xilli uu booqasho ku tegay jeelasha ay dadkaasi ku xidhan yihiin, waxa kale oo uu
sheegay in dadkaasi xidhan 73% ay yihiin rag halka 27% ay yihiin haween.
Rahiimi ayaa waxa kale oo uu sheegay in dadkaasi badankoodii la sii daayay inta xidhana
ay ku socdaan baadhitaano isla markaana ay ku xidhanyihiin jeelasha ku yaalla
magaalooyinka Tahran iyo Asfahan iyo Hamadan iyo Faris iyo Ahwas, dadka la xidhay ayaa
waxay u badnaayeen dad dhallinyar ah oo ka cabanayay shaqa la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.