Iran Oo Cambaaraysay Dadkii Looga Laayey Somaliya, Talona Usoo Jeedisay Maamulka Puntland

0
743

Iran: (Tayosame news) Afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha dibadda Iran Bahram Qassemi ayaa cambaareeyay dalka Soomaaliya kadib markii xabado lagu furay Dooni dalkaasi ah oo mareysay xeebaha Soomaaliya, waxaa dhintay Kabtanka halka qaar kale dhaawacmeen.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran waxa ay si dhab ah ula socotay weerarka lagu qaaday Dooni Kalluumeysi oo Iran ay leedahay, waxaan si ah aad u cambaareyneynaa dhibaatada soo gaartay muwaadiniinteena.” Ayuu Bahram Qassemi u sheegay ISNA.

Sidoo kale Bahram Qassemi ayaa masuuliyiinta maamulka Puntland ugu baaqay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Iran, oo ay ixtiraamaan bani’aadanimada.

Doonta ayaa mareysay xeebaha maamulka Puntland, sida uu sheegay Colonel Maxamed Cabdi Xaashi, doonta waxaa xabad lagu furay kadib markii ay sameysay amar-diido.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii la sheegay in dad Iran u dhashay lagu dilay xeebaha Soomaaliya kadib howl-gal halkaasi laga sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.