Wadamo badan oo caalamka ah ayaa dagaal adag kula jira sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda ka dhalatay ama saamaynta xun ee ay nolosha bulshadda ku keentay isbedelka cimiladda ee dikhawga ku keenay dalal badan oo dunida ah.
Waxaana jira qorsheyaal dhaadheer iyo kuwo gaagaab oo ay dejisteen dawladaha ama dalalka caalamku, si ay yeeshaan qorshe cad oo hoos loogu dhigayo dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda ee nolosha dhamaanba nooleyaasha saameeyay.
Wadan kastaana waxa uu dejistay qorsheyaal isugu jira kuwo ah ilaa shan sanadood, ama laba sanadood iyo xataa dhawr bilood, si mar ba tallaabo hore loogu qaado wax ka qabashadda isbedelka cimiladda, kuwaasoo ay ka mid yihiin sidii loola qabsan lahaa waxyeeladda ka dhalatay isbedelka cimiladda.
Inkastoo ay wadamadda adduunku ku kala duwan yihiin saamaynta ay ku yeelatay isbedelka cimiladda, iyo sidoo kale qorsheyaasha hoos loogu dhigayo waxyeeladda isbedelka cimiladda ka dhashay, hadana waxa ay ka siman yihiin in wadan kastaaba uu qorshe guud oo qaran ka leeyahay.
Iyadooan ay qorsheyaashaasi waafajiyaan tiirarka guud ee qorsheyaasha ka soo baxa shirarka caalamiga ah ee isbedelka cimiladda, isla markaana qorsheyaasha dal kastaaba waa in ay waafaqaan ama la xidhiidhaan kuwa ka soo baxa shirarka caalamiga ah.
Somaliland ayaa saddexdii bilood ba mar lagu qabtaa shirka daneeyeyaasha isku xidhka arrimaha deegaanka, shirkaasi oo ay soo qaban qaabiso wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.
Waxaana shirkaasi lagu darsaa waxyaabaha laga qabtay arrimaha waxyeeladda isbedelka cimiladda, iyadoona wadaageyaasha deegaanka, waxyaabaha qorshaysan, iyo sidoo kale caqabadaha jira ee hor taagan in la qabto.
Shirarkani oo soo socday muddo dhawr sanadood ah ayaa inta badan waxaa lagaga hadlaa ama lagu dersaa waxyaabaha u qorshaysan wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee saddexdii bilood ba mar la qabto.
Waxaana shirarkaasi ka soo qayb gala saraakiisha, madaxda, iyo masuuliyiinta haayadaha caalamiga ah iyo maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha wax a qabshadda isbedelka cimiladda, ee ay xidhiidhakw ada shaqayneed leeyihiin wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.
Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa magaaladda Hargaysa ka furay shirka isku xidhka daneeyeyaasha deegaanka.
Shirkani oo saddexdii bilood ba mar la qabto ayaa lagu darsaa waxyaabaha laga qabtay wadaageyaasha deegaanka, waxyaabaha qorshaysan, iyo sidoo kale caqabadaha jira ee hor taagan in la qabto.
Isbedelka cimiladda ayaa la tilmaamaa inuu Somaliland aafo aad u weyn ku yahay, isagoona ka saameeyay meelo badan oo ay ka mid yihiin abaarro is daba joog ah, xaalufka deegaanka, iyo kala duwanaashiyaha nolosha oo uu dhibaato ku keenay.
Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo shirkaasi si rasmiya u furtay ayaa tilmaantay faa’iidadda ay leedahay joogtaynta kulamadda noocan ah iyo shirarka lagaga hadlayo arrimaha deegaanka si la iskaga waraysto waxyaabaha qabsoomay iyo kuwa qorshaysan.
Wasiirku waxay sheegtay in u jeedadda shirkaasi ay ahayd in la is waydiino, wixii ay xubnaha ururadda ka socday soo qabateen mudadii ay kala maqnaayeen iyo soo jeedimaha ay shirkan furmay ama u danbeeyay ay ka keenaan.
“Waxaynu maanta doonayno ee aynu halkan isugu nimid waxay tahay in aynu is waydiino, wixii aad soo qabateen mudadii aynu kala maqnayn iyo soo jeedimahaa aydun shirkan maanta keenteen. Waxa kale ee aynu doonaynaana wuxuu yahay shirka weyn ee aynu doonayno in aynu dadweynaha ku baraarujino, oo aynu is waydiino ayaynu wacyigelinaynaa? Ayaynu baraarujinaynaa?
Waxaad ogaataan in aad tihiin dadkii wax bedelayay. Wixii aynu halakn ku qabano waxaynu doonaynaa in aynu kula noqono ururadii aad ka socoteen, oo aad nagala shaqaysaan sidii aynu u bad baadin lahayn deegaankeenna, iyo sidii aynu ula qabsan lahayn isbedelka cimiladda, ee maanta adduunyadii saameeyay”.
C/rasaaq Jaamac Nuur (Naakhuude), agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo isna hadal ka jeediyay furitaankii shirkaasi ayaa hoos ka xariiqay muhiimadda shirkaasi.
Waxaanu tilmaamay in ay wakhtigan la joogo wax badani iska bedeleen sidii waayadii hore uu caalamku u noolaa, isla markaana ay saamayn ku yeelatay isbedelka cimiladu, “Isbedelka cimiladu waa dhibaatadda ugu weyn ee maanta caalamku ay ku mashquulsan yihiin, sidii marxaladii hore ee caalamku ku noolaa, marka laga hadlayo xaga cimiladda ay is bedeshay, inagoo aan garanaynin mustaqbalka xagga ay u socoto. Markaa waxaynu ku jirnaa barashadeedda iyo la qabsigeedda labadaba” ayuu yidhi agaasime Naakhuude.
Geesta kale waxaa shirkani ka soo qayb galay masuuliyiin iyo xubno ka kala socday ururadda iyo haayadaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee ay wada shaqaynta leeyihiin.
Dhinaca kale waxaynu qormadeenan ku soo qaadan doonaa kulan dhex maray wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland iyo saraakiisha haayadda caalamiga ah ee UNICEF xafiiska ay ku leeyihiin Somaliland.
Kulankaasi waxaa wasiirka deegaanka Shukri xaaji Ismaaciil Baandare, ku wehelinayay Agaasimaha waaxda Fayo-dhawrka iyo horumarinta Deegaanka magaalooyinka Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan, waxaana laga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa bog cusub oo ay ku wada shaqeyn doonaan wasaaradda Deegaanka iyo haayada UNICEF, iyada oo la iska kaashan doono dhinacyada Fayo-dhawrka, Isbedelka Cimilada iyo Wacyigalinta.
Intii kulanku socday wasiirka ayaa soo bandhigtay masuuliyada balaadhan ee wasaaradu qaranka u hayso iyo shaqada ay u xilsaaran tahay, waxyaabaha ka khuseeya fulinta qorshaha horumarinta qaranka ee sadexaad, gaar ahaan waxyaabaha xidhiidhka la leh Fayo-dhowrka deegaanka, iyo sidoo kale mudnaanaha ay UNICEF iyo wasaaradu wadashaqeynta ka yeelan karaan.
Sidoo kale madaxda haayadda UNICEF ayaa soo bandhigay dhinacyada ay ka shaqeeyaan, waxyaabaha wasaaradda deegaanka ka caawin karaan, iyagoona muujiyay sida ay uga go’an tahay iskaashi dhex maraya iyaga iyo wasaaradda.
Waxaanay si gaar ah u xuseen in ay dhinacyadda ay diyaarka u yihiin in ay wasaaradda kala shaqeeyaan ay ka mid yihiin Fayo-dhawrka, Biyaha iyo waxbarashada, waxyaabaha oo qayb ka ah meelaha ay sida gaarka ah uga shaqayso wasaaradda deegaanku, isla markaana taabanaya nolosha bulshada.
Gebagebadii kulankaasi waxay labadda dhinac u balameen in la yeesho kulamo iyo xidhiidh joogto ah oo wada shaqeyneed, kaasi oo al baabka u furi doona in la iska kaashado fulinta waxyaabaha u muhiimka ah qaranka Somaliland.