Home Warar Israa’iil Oo Duqaymo Ka Fulisay Gudaha Dalka Masar + Raali Ka Ahaanshaha...

Israa’iil Oo Duqaymo Ka Fulisay Gudaha Dalka Masar + Raali Ka Ahaanshaha Dowlada Masar

0
26

Masar (Tayosame News) Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeyn ka geystay saxaraha Sinai, iyada oo dowladda Masar ay ogol ka tahay.

Duqeymaha oo socday muddo labo sano ayaa Israa’iil waxa ay gobolka Sinai iyo meelo kale oo Masar ka mid ah ka geysatay wax ka badan 100 duqeymo cirka ah, iyada oo la isticmaalayo diyaaradaha aan duuliyeyaasha lahayn.

Masar iyo Israa’iil waxaa ka dhaxeeya heshiis nabadeed oo ay galeen sanadkii 1979-kii. Balse illaa iyo hadda waxyar oo iskaashi ah oo labada dal dhexmara waa la qarin jiray, iskaba dhaaf duqeymo cirka ahe.

Hadda micnaha wuxuu yahay in militariga Masar oo muddo la tacaalayay kooxaha kacdoonka ee Sinai in ay garab weydiisteen Israa’iil. Taas oo la sheegay in labada dal ay ka faa’iideysanayaan. Israaiil ayuu ujeedkeedu yahay in ay amni ka dhigto xuduudda ay la wadaagto Masar, sidoo kalane ay cadawgeeda ku ugaarsato meelo kale.

Maqaalka wargeyska markii uu soo baxay ayay warbaahinta Masar ku tilmaamtay mid been abuur ah oo aan waxbo ka jirin.

Haddii arrintan la xaqiijiyo, waa arrin aad xasaasi u ah oo ay dhibsanayaan madaxda dowladda Masar.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee isu soo jiidaya Israa’iil iyo Carabta ayaa ah awoodda sii kordhaysa ee Iran oo labada dhinacba ay u arkaan halis badan, gaar ahaan barnaamijkeeda hubka nuyukleerka.

Ra’isulwasaaraha Israaiil ayaa dhawaan sheegay in uu iskaashi badan dhexmarayo iyaga iyo dalalka carabta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.