Hargeisa (Tayosame news) Whatsapp waxa uu joojin doonaa in laga isticmaalo mobilo dhowra oo ay ka mid yihiin moobilkii caanka ahaa ee BLACKBERRY 10 iyo Nokia Symbian S60 iyo windows phone 7.1 .
shirkadda whatsapp waxa ay sheegtey inay diirada saarayso hormarinta moobilada casriga ah ee hadda dunidan aad looga isticmaalo .
shirkadda ay leedahay facebook ee whatsapp hadda waxa isticmaala bilyans isticmaale dunida oo dhan waxa uu joojin doona in laga isticmaalo barnaamjikisa mobilada kor ku xusan.
markii la bilaabay adeega whatsapp sanad kii 2009 waxa dunida xoog u haystay moobilada Blackberry iyo Nokia kuwaas oo isticmaalkooda dunida ka ahaa 70 % .
laakiin hadda moobilada ku shaqeeya nidaamyada ay soo saaraan shirkadaha MICROSOFT, GOOGLE, APPLE ayaa dunidan aad looga isticmaala , isticmaalkooduna waxa uu u dhigmaa 99.5 % , waana sababta keentay in whatsapp uu doorbido inuu diirada saaro moobilada ku shaqeeya nidaamyada ay soo saaraan shirkadahani .