Isxulafaysiga Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed Oo Dhoolatuskii Abid Ugu Balaadhnaa Ka Bilaabay Gacanka Kuuriya

0
14

Hargeisa (Tayosame news)  -Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa bilaabay dhoolatuskii ugu baladhnaa ee dhanka cirka ah.

230 diyaaradood ee ka qayb qaatadanaya dhoolatuskani ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano F-22.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa toddobaad ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay Tijaabisay gantaalkii ugu hormarsanaa oo ah nooca qaaradaha isaga tallaaba.

Militariga Mareykanka ayaa waxay sheegeen in dhoolatuskani wadajirka ah looga gol leeyahay in sare loogu qaado awoodda wada shaqaynta labada dhinac.

Saraalkiisha Mareykanka ayaa waxa ay intaa ku dareen in dhoolatuskani lagu xaqiijinayo nabadda iyo ammaanka gacanka Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaan tijaabisay gantaal ah nooca qaaradaha isaga tallaaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.