Kaaliyihii Donald Trump Oo Faraxumayn Kula Kacay Fanaanad Maraykan Ah + Sawiro

0
249

USA (Tayosame news) Fannaanad u dhalatay dalka Mareykanka ayaa gudbisay dacwad la xidhiidha xadgudub galmo oo ka dhan ah ninkii maamulaha ka ahaa ololihii Donald Trump ee xilligii doorashada, Corey Lewandowski.

Joy Villa waxay sheegtay in Lewandowski uu dhowr jeer ka dhar baaxay gadaal xilli ay ku sugnayd munaasabad ka dheceysay Washington, todobaadkii la soo dhaafay.

Waxay warbaahinta Mareykanka u sheegtay in ay la hadashay booliska ka dib markii saaxiibadeeda ay ku qalqaaliyeen in ay dacwad rasmi ah gudbiso.

Lewandowski wuxuu diiday dalabka warbaahinta ee ah in uu ka jawaabo eedaha loo jeediyay.

Eedeymaha noocan ah ee la xidhiidha faraxumaynta iyo xadgudubyada ayaa dhowaanahan isa soo tarayay, kuwaas oo ka dhan ah dadka caanka ah, siyaasiyiinta iyo shirkadaha Mareykanka.

“Markii hore waan ka baqay in aan arrintan soo bandhigo,” ayey tidhi sida lagu qoray wakaaladda wararka ee AP.

Waxay sheegtay in aysan markii hore dooneyn in ay ceebeyso qoyskeeda iyo qoyska Lewandowski.

Ms Villa oo aad u taageerto Donald Trump, waxay ku sugnayd munaasabad ka dheceysay hoteelka caalamiga ah ee Trump. Waxay u istaagtay in ay sawir la gasho Lewandowski, kaas oo ay ku tilmaamtay qof aysan horay u arkin.

Waxay sheegtay in uu gadaal ka dharbaaxay, “markii aan weydiiyay in uu iga daayo ama aan dacweynayo, mar labaad ayuu i dharbaaxay”, ayey sheegtay.

Waxay intaa ku dartay in uu ku qoslay una sheegay “waxaan ka shaqeeyaa shirkad gaar loo leeyahay”.

waxay ku andacootay in dharbaaxada ay ka xanuunsatay ayna dareentay “karaahiyo, naxdid iyo sharf dhac””

Donald Trump ayaa shaqada ololihiisii ka tiray Lewandowski, bishii June ee sannadkii 2016-kii.

Corey and Joy_Villa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.