Hargaysa (Hargeisa Press): Kal-fadhigii 47aad ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta si rasmiya u furmay, ka dib markii ay ka soo noqdeen fasaxii dastuuriga ahaa ee ay ku jireen.
Fadhigan oo uu shir gudoominayey guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Jaamac Cali, ayaa mudaneyaasha warbixin ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay golahaas muddadii u dhaxeysay labada kalfadhi.
Waxaanu sheegay in dhinacyada nabadgalyada iyo siyaasadda hawlo badan laga qabtay, isaga oo xusay diwaangelintii dalka ka qabsoontay iyo talaabooyinkii la qaaday sidii ay doorashooyinku guud ahaan dalka uga qabsoomi lahaayeen.
Siciid Jaamac Cali, ayaa xusay in doorashooyinka sannadkan dalka ka qabsoomayaa ay kaga duwan yihii doorashooyinkii hore in gobolka Sool iyo Sanaag bari ay sannadkan ka qabsoomayso.
Taasoo uu tilmaamay in ay muujinayso nabadgalyada taamka ah ee dalka oo dhan.
Gebogebadii guddomiye Siciid Jaamac Cali, waxa uu mudaneyaasha golahaas u soo jeediyey in ay doorkooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee arrimaha doorashooyinka iyo adkaynta nabageliyadda.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.