Kazakhstan: Nin Ka Qayb Galay tartanka Quruxda Haweenka ee Dalkaasi, Xiliga La Ogaaday iyo Talaabada Laga Qaaday

0
115

Kazakhstan (Tayosame News) Tartanka quruxda Haweenka ee Dalka Kazakhistan ayaa waxa ka dhacday arrin aad u la yaab badan,waxaana arrintaasi Cajiibka ah la ogaaday markii uu tartankaasi dhamaaday ee la doortay boqorada Quruxda ee haweenka Dalkaasi.

Tartankani ayaa waxa ka qayb galay 4000 dumara oo u dhashay Dalkaasi balse 4000 ee haween waxa ku dhex jiray nin ragga oo tartankaasi ka qayb galay walibana isagu ku guulaystay tartankaasi.

 Ninkani tartanka haweenka kaga qayb galay in uu gabadh yahay ee aan la ogaan ilaa iyo intuu ku guulaysanayay tartankaasi ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Eli Diaghilev waxa aanay da’diisu tahay 22 jir waxaanu ku noolyahay magaalada Alma Aata ee Dalkaasi.

Magaca dumar ee uu ninkani adeesaday kagana qayb galat tartankaasi haweenka ayaa waxa uu ahaa Arena Eliva , ninkani ayaa kadambaystii qirtay in uu yahay nin ragg ah waxa aanu arrintaasi u sheegay wakaaladaha wararka ee Dalkaasi,gudida qabanqaabada tartankaasi ayaa waxa ay isla markii ba ninkaasi ka qaadeen guushi waxaana lagu badalay gabadh kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.