Kentucky: Toogasho Khasaare Sababtay oo ka Dhacay USA

0
61

Booliska gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in nin hubeysan oo wali baxsad ah uu Sabtidi dorraad ilaa 7 qof ku dhaawacay meel u dhaw waddada 75-ka ee marta gobollo badan oo Mareykanka ah. Boolisku waxay sheegeen in ninka looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay toogashada uu ku dhuumaaleysanayo dhul qallalan oo u dhaw keymaha koonfur-bari ee baadiyaha gobolka Kentacky.

Qeybta taliska booliska ee degmada Laurel ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay, in dad badan lagu toogtay meel u dhaw waddada weyn ee gaadiidka gobollada aadaa maraan. Waxay kaloo sheegeen in jidkaasi ilaa 9 mayl la xidhay.

Duqa degmada yar ee London ee gobolka Kentucky Randall Weddle ayaa sheegay in loo xaqiijiyay dhaawacyada 7 qof. Qaarkood ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen shilal jidka ka dhacay oo ayay sababtay toogashada.

Toogashadan ayaa imaneysa laba maalin kaddib marki wiil yar oo hubeysnaa uu laba macallim iyo laba arday ku dilay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Georgia. Falkaasi ayaa loo xidhay wiil 14 jir ah iyo aabihiis oo loo heysto in uu u ogolaaday wiilka qoriga uu dadka ku laayay.