Kenya Oo Mar Labaad Ka Hadashay Muranka Badda Ee Kala Dhaxeeya Somalia + Talo Ay Soo Jeedisay

0
12

Kenya (Tayosame news)Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in mowqifka Kenya ay ka taagan tahay muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ay tahay meeshii ay hore uga taagneyd.

Githu Muigai ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal

“Meesha aan Dacwadda ka taaganahay waxay ku qoran tahay Sharciga Badaha ee qaramada midoobay iyo Go’aano kale oo Madaxda Wadamadda Midowga Afrika ay qaateen 1964tii” ayuu yidhi Githu Muigai oo qoraal xafiiskiisa ka soo baxay lagu qoray Wargeyska Nation.

Horaanta sanadka 2018 ayaa la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague inay soo saarto qaabka looga hadlayo dacwada badda

Muranka Badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid soo socday saddexdii sanno ee u dambeysay, iyadoo horaantii sanadkan ay Maxkamadda Hague ay xukuntay in kiiskan ay maxkamadda qaadi karto, iyadoo diiday dalabka Kenya ee ahaa in muranka wada hadal lagu dhameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.