Khasaaraha Dagaal Saaka Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0
206
Somalia Military

Muqdisho: (Tayosame news) -Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Carbiska iyo 5-ta Golaha Sare ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi uu ka dhacay Weerar waqti kooban socday.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka AMISOM oo halkaasi howlo roondo ah ka waday, Weerar ku bilowday Qoryaha garbaha laga tuuro gaar ahaan Qoriga 7-ka ay ku soo qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka AMISOM ayaa iska cabiyay raggii weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ku dhexmaray Dagaal kooban oo daqiiqado socday, sida uu so sheegayo Wariyaha Risaala ee degmada Afgooye.

Ciidanka AMISOM ee weerarka lagu qaaday ayaa Subax walba waxa ay sameeyaan howlo roondo ah, dagaalka kadibna waxay la soo baxeen Gaadiidkooda dagaalka, iyaga oo ku jira feejignaan dheeri ah.

Weerakan ayaa khasaare wuxuu ka soo gaaray dad shacab ah, inta la xaqiijiyay Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo dhaawacooda loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay  xaqiijiyeen in weerarkan uu jiro, sidoo kalena hada lagu daba jiro raggii weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.