Khasaaraha Dhulgariir Xoogan Oo Ku Dhuftay Dalka Taiwan

0
104
tiawan earthquake

Taiwan (Tayosame News) Dhulgariir xoogan oo ka dhacay dalka Taiwan ayaa waxaa ku dhintay labo qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan boqol qof. Cabirka dhulgariirkan ayaa lagu sheegay inuu gaadhayo 6.4 waxuuna ka dhacay meel 20-KM u jirta jasiirada xeebaha bari.

Dadka wax badbaadiya ayaa weli baadhaya dad la sheegay inay ku hoos jirraan guryaha burburay iyo hoteeladda. Sawirqaadayaasha ayaa muujinaya burburka guryaha dumay iyo khasaare weyn oo soo gaadhay wadooyinka deegaanadaasi ka agdhow.

Qaybta hoose ee hotelka Marshal ayaa la aaminsan yahay inay ku jirraan sadax shaqaalaha ka mid ah oo halkaasi ku xayiran Qof goobjooge ah ayaa sheegaya inuu arkay iftiin hotelka burburay gudihiisa ka baxaya. Dad ayaana ku hoos jira ayuu raaciyay burburka hotelka.

Dad haysta telefoonada gacanta ayaa shidaya iftiin ay ku muujinayaa halka ay kaga jirraan burburka dhismaha si loo ogaado.

Dad gaadhaya 28 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa iyo hadda oo laga soo saarray burburka dhismayaasha.

Dadka ka qaybqaadanaya gargaarkan waxaa ka mid ah ciidanka oo si degdeg ah loogu yeedhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.