Khasaaraha Qarax Xalay Ka Dhacay Guri Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

0
97

Muqdisho (Tayosame News) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xalay ka dhex dhacay Guri ku yaalla xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Afhayeenka ciidamada xoogga dalka Soomaliya Cabdullaahi Iimaan ayaa sheegay in ciidamada ay xaqiiijiyeen in Qaraxaasi ay ku dhinteen labo qof oo ka mid ahaa kuwii Qaraxa farsameeynayay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen xubno ka tirsan Al-shabaab oo kaliya.

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka oo wata gaadiidka dagaalka oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa gaadhay halkaasi, waxayna xarumaha baaritsta u qaadeen dadkii ku waxyleelobay qaraxaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay guriga uu qaraxa ka dhacay, waxayna arrintan cabsi iyo wal ku abuurtay dadka degaanka, shacabka degan xaafadaasi ayaa guryahooda goor hore oo xalay ah ku xarooday, maadaama ciidamada ay wadaan baadhitaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.