Khasaaraha Qaraxii Shalay Ruxay Magaalada Muqdisho + Dhaawaca Iyo Maydka Oo Buux Dhaafiyey Cusbitaalada Magaalada

0
64

Muqdisho: (Tayosame news) -Qeyba badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaanan ilaa iyo xalay laga seexan oo waxaa soconayay gurmadka loo samaynayay dadkii ku dhaawacmay weerrarkii xoogga badnaa ee magaaladaasi shalay gilgilay.

Isbitaallada magaaladuna waxa ay weli la tacaalayaan dhiibaatada ballaaran ee ka dhalatay qaraxaasi, iyadoo aaggii uu ka dhacay qaraxa oo aheyd goob mashquul badan burburka hoostiisa tan iyo xalay laga soo saarayay maydad hor leh iyo kuwo dhaawac ahba.

Kooxaha gurmadka ayaa weli ku mashquulsan sidii ay u soo badbaadin lahayeen dad laga cabsi qabo inay burburka dhismooyinka ku hoos jiraan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan soddon qof ay ku dhinteen qaraxyadii shalay.

Qiyaastii boqolaal qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa in ay weerraradaasi ay ku dhaawacmeen.

 

 

Inta badan isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay dhawacyada soo gaarayay iyo eheladii booqanayay.

Isbitaallada ayaa dalbanaya in dadka ay dhiig ku deeqaan si loogu badbaadiyo dadka u baahan.

Ilaa iyo haatan lama oga tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday qaraxyadii shalay, hasayeeshee dadka ku dhintay waxa ay isugu jiraan rag, carruur, haween, dhaliyaro iyo dad da’ ah.

Waxyaabaha ugu daranse waxaa ka mid ah in afar wiil oo walaalo ah oo dukaan dharka lagu iibiyo ku lahaa goobtaasi oo sameynayay xisaab xir ay mar qura goobtaasi ku nafwaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay saqdii dhexe ka hadlay taleefishinka qaranka ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa musiibo ku habsatay shacabka, dadkana waxa uu ka dalbaday in loo gurmado dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.