Boosaaso (Tayosame News) Qaraxyo iyo rasaas xooggan ayaa xalay lagu weeraray saldhig ciidamada amaanka Puntland ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Weerarka ayaa bilowday ka dib markii rag hubeysan ay bambooyinka gacanta laga tuuro la beegsadeen saldhiga badhtamaha Boosaaso, waxaana xigay rasaas xoogan oo ay isweydaarsadeen ciidamada saldhigaas ku sugnaa iyo kooxihii weerarka soo qaaday.
Inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan ayaa haddana wararka hordhaca ah ee soo baxaya waxay sheegayaan inuu ku dhaawacmay taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha Boosaaso oo magaciisa lagu soo gaabiyey Sanweyne.
Kala carar iyo khal khal xooggan ayaa laga dareemay magaalada Boosaaso markii uu weerarkan bilowday ka dib, waxaana joogsaday gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada, halka la xidhay goobo ganacsi.
Waxaa hadda yara degan xaalada magaalada Boosaaso, iyadoo ciidamo aad u fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka lagu arkayo qeybo ka mid ah magaalada kuwaasoo xaqiijinaya amaanka.