Khilaaf Adag Oo Soo Kala Dhex Galay Wasiirada Cusub Ee Xukumadda Muuse iyo Wasiir Ka Hadlay Khilaafkaasi

0
155

Hargeisa (Tayosame News) Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa ka hor-yimid go’aan uu dhawaan wasiirka wasaaradda maaliyaddu ku kala diray kooxdii kubadda cagta ee ku ciyaari jirtay magaca wasaaradda maaliyadda.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed oo waraysi gaar ah siiyay Hctv ayaa sheegay in tallaabadaa uu wasiirka maaliyaddu qaaday ay ka hor-imanayso barnaamijkii xisbiga KULMIYE iyo ballan-qaadyadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed oo arrimaha ka hadlay aaa waxa uu yidhi “arrintaasi maaha mid waafaqsan xeerka xisbiga ee ah in la taageero dhallinyarada oo waliba madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi waa muhiimadiisa koowaad, isagii ayaad arkayseen oo Mo Farah la ordaya taasina waxa ay muujinaysaa dhiirigelinta uu u hayo ciyaaraha iyo dhallinyarada, wax lagu tabco oo dhallinyadda ka wanaagsani ma jiraan, annaga, madaxweynaha iyo xisbiga waa muhiimaddayadakoowaad arrimaha dhallinyaradda wax lagu sii daro mooyaane wax laga xumaynayaa ma jiraan, naadiyaal la kordhiyo ayaanu annagu ku gudo jirnaa, wasaaradihii lahaa naadiyadda iyo ciidamadii inay sii taageeraan oo ay sii hagaajiyaan mooyaane wax la baabiinayaa ma jirto siyaasadda waddankana ma waafaqsana” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed.
Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa waxa uu sheegay in uu jiro khilaaf iyo is fahan waa u dhexeeya isaga iyo wasiirka wasiirka wasaaradda maaliyadda balse uu isagu leeyahay go’aanka ciyaaraha iyo naadiyadda waxaanu yidhi “is faham waa wuu dhacayaa laakiin aniga ayaa ku hadlay magacii wasaaradda ciyaaraha naadi aanu ka maarano maaha naadi la baabiinayana maaha”
Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed oo la weydiiyay in uu Madaxweynaha u gudbiyay arrintan ayaa waxa uu yidhi “maya wali madaxweyne nagamay gaadhin laakiin wasaaraduhuna way iska arkeen wax la baabiinayaan ma jiraan” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed.

Wasiirka maaliyadda ayaa hore u kala diray naadigii wasaaradda maaliyadda u ciyaarayay waxaana uu ku sababeeyey inaan loo baahnayn naadi ku ciyaara magaca wasaaradda, isla markaana uu kharash badani ku baxo. Hase yeeshee arrintan ayaa u muuqata inuu durba bilaabmayo is afgaran waa u dhexeeya golaha wasiirrada ee cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.