Koonfur Africa: Rag Nin Nool Naxash Ku Riday Oo La Xukumay

0
150

South Africa: (Tayosame news) -Laba nin oo caddaan ah, kuna nool dalka Koonfur Afrika ayaa midkiiba lagu xukumay xabsi ka badan toban sano, ka dib markii ay nin madow ah oo u dhashay dalkaasi ay si qasab ah ku geliyeen naxashka lagu rido meydka.

Martins Jacks iyo Willem ayaa bishii Agost ee sannadkan lagu helay dembi ah inay doonayeen inay dilaan Victor Mlotshwa, oo ay ku eedeeyeen inuu soo dhexmaray beer ay lahayeen isagoon wax fasax ah ka qaadan iyaga. Waxaana la sheegay in ninkaasi ay ugu hanjabeen inay dilayaan oo ay noolasha ku gubi doonaan.

Jackson oo sodon jir ah ayaa lagu xukumay xabsi dhan afar iyo toban sano, halka Oosthuizen na lagu riday xukun dhan kow iyo toban sano. Qeyb kamid ah xukunka raggani ayaa lagu saleeyay dhibaato ay u geysteen marqaatiga keliya, ayna isku dayeen inay ka hor istagaan inuu marqaati furo.

Raga Xukunka Lagu Riday

Mr Mlotshwa ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaal uu ka duubay beeraleyda caddaanka ah oo naxash ku dhex riday ninka madowga.

Dhacdadani ayaa caro iyo xiisad ka dhex abuurtay dalka Koonfur Afrika, waxaan dad badani ay la yabeen falka arxan darrada ah ee ay raggani beeraleyda ku dhaqaqeen.

Arrinta kale ee soo jiidatay shacabka reer Koonfur Afrika ayaa aheyd in xaakinka maxkmadda oo aheyd haweney madow ah oo u dhalatay dalkaasi ay xukunka ku riday ragga falka geystay, taasi oo dad badani ay u arkaan inay tahay mid muujineyso sida Koonfu Afrika ay uga gudubtay cunsurinimada.

Mr Mlotshwa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.