Kooxo Hubeysan oo Toogtay Labo Kamid ah Ilaalada Madaxtooyada Puntland

0
35

 

Puntlan (Tayosame News) Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Kooxo hubeysan ayaa toogtay labo askari oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyadda maamulka Puntland.

Toogashadda ayaa ka dhacday Agagaarka dowladda Hoose ee Boosaaso xilli uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Labada Askari mid ayaa waxaa soo gaaray dhaawac,halka kan kalena uu geeriyooday sidda ay sheegeen goobjoogayaal.

Toogashadda ayaa timid xilli maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Gaas uu Boosaaso ka waday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Ammaanka Magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.