Hargeisa (Tayosame news) Asalam alaikum halkan waxa aan idiinku so gudbin doonaa suaalo kooban oo aqoon korodhsi h ka faaiidaysi wacan
1-Su’aal Sheeg kumuu ahaa Gabayaagii Rasuulka (NNKH).
1-Jawab: Wuxu ahaa Xasaan Binu Thaabit Rc.
2-Su’aal Sheeg imisa sano ayey Dacwadu (Fidinta diinta) Qarsoodi ahayd?
2-Jawab: Mudo saddex sano ah (3 sano).
3-Su’aal Sheeg kuwii Islaamka ugu horeeyey ee Muhaajiriin ah ?
3-Jawab: Waxay kala ahaayeen, 1- Hooyo Khadiijo Bintu Khuweylad rc, 2- Cali Bin Abii Daalib rc, 3-Abuu-bakar rc, 4-Sayid Binu Thaabit rc, 5- Cusmaan Bin Cafaan rc, 6-Subeyr Bin Cawaam rc, 7- Cabdi Raxmaan Bin Cowf rc, 8- Sacad Bin Abii waqaas rc, 9-Dalxa Bin Cubeydillah rc,
4-Su’aal Sheeg ninkiii ugu horeeyey ee Islaanimo ku shahiida?
4-Jawab: Wuxu ahaa Camar Bin Yasir rc,
5-Su’aal Sheeg Gabadhii ugu horeesay ee Islaanimo ku Shahiida?
5-Jawab: Waxay ahayd Sumeya Rc, camaar binu yaasir hooyadii Rc,
6-Su’aal Sheeg Markii ay Muhaajiriinta u haajireen Xabashida, Kufaartii Qureysh waxay ka daba diren Labo Nin,Si’ay Boqorka hadiyad ugu geeyaan, Muhaajiriintana Gacantooda loo-soo geliyo, Hadaba sheeg labadaas Nin magacyadooda?
6-Jawab: Waxay kala ahaayeen Cumar Bin Caas, iyo Cabdullaahi Bin abii Raabica.
7-Su’aal Sheeg goormuu soo Islaamay Xamza Bin cabdil Mudalib Rc?
7-Jawab: Wuxu soo Islaamay sanadkii lixaad ee Nabinimada. Nabiga (NNKH) oo 6 sano Nebi ah ayuu soo islaamay xamza. Sidoo kale sanadkaan waxaa soo islaamay Cumar bin Khadaab.
8-Su’aal Sheeg Xamza RC iyo Cumar bin khadaab imisa maalmood ayay kala danbeeyeen soo galitaanka Diinta Islaamka .
8-Jawab: Waxay kala danbeyeen saddex maalmood (3 maal-mood).
9-Su’aal Sheeg goormay dhacday hijradii uu Rasuulka (NNKH) ka soo Hijrooday Maka una soo Hijrooday Madiina?
9-Jawab: Waxay dhacday 29-kii bishii Safar sanadkii 14-aad ee Bicthada.
10-Su’aal Sheeg markii Nebiga (NNKH) uu madiina u hijroonaayey kumuu ahaa asxaabigii la socday?
10-Jawab: Waxa la socday asxaabikiisii Godka Waa abuu-bakar Sidiiq (RC).