Hargaysa (HP): Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa shaaciyay in ay maanta u gudbiyeen komishanka doorashooyinka xogta, ama faylasha murashaxiinta xisbigaasi uga tartamaya degmo-doorashooyinka dalka.
Iyadoo ay maanta ku ekayd mudadii ay komishanka doorashooyinka qaranku u qabteen xisbiyadda siyaasadda in ay ku soo gudbiyaan macluumaadka iyo xogta murashaxiinta saddexda xisbi uga tartamaya goleyaasha deegaanka ee dalka.
Sida uu sheegay af-hayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Buuni, iyo masuuliyiin kale oo xisbigaasi ka tirsan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa.
Waxaanay sheegeen masuuliyiinta Kulmiye in komishanka doorashooyinka ee lixda gobol ee dalka ay u gudbiyeen xogta murashaxiinta uga tartamaya xisbigaasi 18-ka-degmo-doorasho ee dalka iyo tiradoodii oo dhamaystiran.
Kadib markii ay guddiga kala xulista murashaxiinta ee xisbigaasi muddo saddex bilood ah ku hawlanaayeen kala hufista iyo kala haadinta xubnaha doonaya in ay u tartamaan goleyaasha deegaanka dalka.
https://youtu.be/NdXsw1dPGWg
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.