Kumanaan Qof Oo Ka Mudaharaadaya Qimaha Roodhida Oo Korodhay Dalka Sudan + Khasaare Xoog Leh Oo Socda

0
14

Sudan (Tayosame news) Dalka Sudan waxaa ka dhacaya banaanbaxyo looga soo horjeedo qiimaha roodhida oo kordhay taasoo ay dadku aad uga cabanayaan

Waxaana meesha ka baxay lacago ay dowladda ku kabi jirtay iibka roodhida ka dibna waxaa cirka galay lacagta lakala siisto roodhida

Banaanbaxyadan ayaa ka bilowday goboladda Koonfurta waxayna markii dambe kusii fideen magaalooyin kale

Caasimadda Khartum booliska ayaa sunta ilmada keentaa ku kala eryey dad wadooyinka xidhay taayirana gubayay.

Isku-dhacyo noocaasoo kale ah ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla koonfurta iyo galbeedka wadanka.

Galbeedka Darfur arday ka mid ahaa mudaaharadayaasha ayaa la dilay kuwo kalena waa la dhaawacay.

Dowladda ayaa diiday in banaanbaxyadan dhacaya ay wax lug ah ku leeyihiin qiimaha roodhida ee kordhay

Sanadkii 2003-dii ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay banaanbaxyo xooganaa oo looga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo kordhay.

Waxaana berigaas ku dhintay dibadbaxyadaasi tiro dad ah oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.