Wararka aan ka helayno Magaalada Laascaanood ayaa ku warramaya in laba carruur ah ay ku geeriyoodeen meel biyaha laga cabbo oo ku taalla Magaaladaasi.
Carruurta oo ahaa Laba wiil oo walaalo ah ayaa la sheegay inay u dabaal tageen meel ay biyo ku jireen, waxaana ku haftaday mid ah labada wiil, iyadoo kii kale uu isku dayay sida la sheegay in uu bad-baadiyo balse labadoodii ayaa si wadajir ah ugu haftaday halka ay biyuhu ku jireen.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in carruurta biyaha laga soo saaray, kadibna la aasay,waxaana da’doodu ay kala ahayd 8 jir iyo 9 jir.
Degaanada Baaddiyaha ah ee Gobolka Sool ayaa waxaa ku yaalla Goobo ay Biyuhu galaan, waxaana dadka reer Guuraaga ah ay u isticmaalaan goobo ay Biyaha Cabbaan oo kayd ah.