Labadii duuliye ee diyaaraduba waxay seexdeen iyadoo hawada ku jirta.
Diyaaradan oo ka soo kacday madaarka JFK ee magaalada New York, una socotay magaalada Rome ayaa iyada oo hawada sare ku jirta la sheegay in labadii duuliyeba ay seexdeen, baadhitaan la sameeyey ayaa lagu xaqiijiyey sidaa.
Waxa kale oo baadhitaanka lagu xusay in labada duuliyaba ay ugu yaraan hurdeen muddo 10 daqiiqo ah, kooxaha isgaagsiintuna Air traffic controllers-kuna ay lumiyaan isgaadhsiintii iyo xidhiidhkii diyaaradan rakaabka siday.
Arrintan ayaa dhacday iyadoo diyaaradu 38,000 Feet hawada sare ku jirtay dulmaraysana wadanka France.
Diyaarada oo ahayn airbus 2030, oo ay duulimaadkaas ay saarnaayeen 250 qof qof oo rakaab ah.
Arrinta xiisa leh ayaa ah in sarkaalka koowaad (First Officer) oo ku jiray wakhtiigsa nasaso ee duulimaadka dhexdiisa oo uu yara inodho-casaysanayey, Captain ka diyaarada ayaa ay ahayn inuu Duulimaadka maamulo. Waaxda isgaadhsiina ayaa dalbatay diyaaradaha dagaalka si ay diyaarada uga war doonaan kolkii warkeeda kA waayey muddo todab daqiiqo ah, balse markii dambe ladoodiiba ay kaceen waanay soo jawaabeen.
Shirkada ITA airways oo hore loogu magacaabi jiray Alitalia oo diyaaradan lahayd ayaa sheegtay Captainka diyaaradu uu xusay in Raadiyaha diyaadu uu xumaaday balse arrintaasi la baadhay oo uu been sheegay, isaga ay shaqadii ka eryeen laba sababoob oo kale ah inuu seexday iyo inuu been ka sheegay hurdadiisii, “ Ficilada captain ku waxay ahaayeen kuwo ka soo hor jeeda siyaasada shirkada.” Ayey tidhi ITA.
Ugu dambayn diyaada ayaan si nabad ah u gaadhay Rome iyadoo badqabta.