Labo Wiil Oo Walaalo Ah Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
608

somalia (Tayosame news) Wararka Soo Gaadhaya Xafiiska War Qabadka Tayosamenews ayaa sheegaya in degaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho rag hubeysani halkaasi ku dileen labo qof.

Labada qof ee la dilay ayaa ahaa labo Wiil oo wada dhashay Kooxaha wax dilay oo heybtooda la garan ayaa ka baxsaday goobtaas, lamana oga sababta loo dilay labada wiil iyo cida rasmiga ah ee ka dambeysa.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ee degaankaas ku sugan ayaa gaadhay goobta labada ruux lagu dilay, iyagoo halkaas ka bilaabay baadhitaano kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.