Lionel Messi Oo Rikoodh Markii LIXAAD Ah Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Ee Ballon d’Or

0
50

Lionel Messi ayaa ku guuleystay rikoodh markii lixaad ah abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee Ballon d’Or isagoo ka qaaday xiddiga Liverpool Virgil van Dijk iyo xiddiga kooxda Juventus Cristiano Ronaldo.

Weeraryahanka reer Argentina oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay la qaaday kooxdiisa Barcelona koobka horyaalka La Liga ayaa noqday xiddigaha ugu abaalmarinta badan dunida.

Waxa uu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Kabta Dahabka Yurub isagoo ahaa xiddigii ugu goolasha badnaa horyaalada ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Messi ayaa sidoo kale mar sii horeysay sannadkan waxa uu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka FIFA ee loo yaqaano The Best, waana abaalmarintii labaad ee uu hanto isla sannadkan.

Waa markii lixaad ee Messi uu hantay abaalmarinta isagoo ku guuleystay sannadaha kala ah:

2009 ✅

2010 ✅

2011 ✅

2012 ✅

2015 ✅

2019 ✅

Messi ayaa rikoodhka kubada cagta isku qoray, waxa uu markii lixaad hantay abaalmarinta Ballon d’Or taasoo aan hore u dhicin.

Xiddigaha ugu guulaha badan Ballon d’Or:

Messi – 6 jeer
Ronaldo – 5
Cruyff – 3
Platini – 3
Van Basten – 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.