Puntland (Tayosame news) Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ee maamul gobolleedka Puntland Cumar Fara-weyne ayaa sheegay in la joojiyay gadiidkii rayidka ee isaga kala gudbi jiray deegaannada Puntland iyo Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee ka soo jeeda Somaaliland ee doonaya in ay soo galaan Puntland waddadu u furan tahay, kuwa hadda jooga Puntland ee ka soo jeeda Soomaaliland-na wax dhibaato ah la kulmi doonin balse ay xaalad jirta awgeed u xidheen waddada
“Cid kasta oo ka imaneysa Somaliland waddadu wey u furan tahay, dadka hadda ku sugan Puntland ee ka soo jeeda Soomaaliland iyaguna waa joogi karaan oo Soomaalinimo ayaa loo ogol yahay, laakiin xaalado ayaa jira, inta xaaladahaa taagan yihiin yihiin waddadu wey xidhan tahay ilaa amar danbe ayuu yidhi’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Sababta loo xidhay isku socodka dadka iyo gadiidka deegaannada Puntland iyo Soomaaliland ayuu ku micneeyay guddoomiyaha xiisasdaha colaadeed ee soo cusboonaaday, isaga oo sheegay in ay ka foojigan yihiin in dad rayid ah la wax yeelleeyo.