Madax Shirkada Facebook Oo Sheegay inuu Wax Kabadel u Samayn Doono Shirkada

0
71

Hargeisa (Tayosame News) Shirkada Facebook ayaa baddeleysa halka ay wararkeeda ku daabacdo si ay uga hortagto wax ay ku sheegtay wararka dhaliya xiisadaha iyo marin habaabinta.

Madaxa shirkadda Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in bartu haatan kaddib weydiin doonto dadka isticmaala illo wareedyada ay inta badan ku kalsoon yihiin, ayna ahmiyad gaar ah siin doonto.

Shirkada Facebook ayaa dooneyso inay joojiso wararka been abuurka ah iyo barabagandhada sii baahayo, kaddib markii ay si xooggan ula tacaamushay hay’addaha warbaahinta ee leh siyaasaddaha xooggan ee u gaar ah.

Mar kale ayuu madaxa Facebook Mark Zuckerberg, uu ku fakarayaa inuu ku xalin lahaa dhibaatadan isaga oo sameynaya hannaan ay dadka isticmaala barta Facebook ku dhiibtaan fikradahooda ku aadan hay’adda warbaahinta, kaddibna uu qorshihiisa ku saleyn doono natiijada soo baxdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.