Muqdisho (Tayosame news) Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa War Murtiyeed kasoo saaray Kuraasta ka banaan Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, waxa ayna Goluhu kasoo horjeesteen go’aan kasoo baxay Maxkmada sare.
Warka kasoo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin in dib mar kale loo dhigo doorashada kuraasta ka banaan Aqalka hoose, waxa ayna sheegeen in doorashada kuraastaasi horey dib ugu dhacdday mudo 6-bilood ah.
Golaha ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin kana soo horjeedaan go’aan kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka oo dib loogu dhigay doorashada kuraasta ka banaan Aqalka hoose, waxa ayna sheegeen in cadaadis kala kulmayaan beelaha iska leh kuraasta banaan.