Madaxda Samaynta Nukliyeerka Waqooyiga Kuuriya Oo Cuna-qabatayn Lagu Soo Rogay

0
19

North Korea (Tayosame news)  Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn dul dhigtay labo sarkaal oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay, kuwaas oo ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa dalka ku hogaamiyay in uu hormariyo gantaalladiisa nukliyeerka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaacisay magacyada Kim Jong-sik iyo Ri Pyong-chol iyada oo ku sheegtay “in ay labadooduba yihiin hogaamiyeyaasha barnaamijyada gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabataynno hor leh saaray Kuuriyada Waqooyi Jimcihii, arrintaas oo jawaab u ah gantaalladii uu dalkaasi dhawaan tijaabiyay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay “tallaabo dagaal” ayna u dhiganto cunaqabatayn dhaqaale oo dhamaystiran.

Cunaqabataynta cusub ee Maraykanka ayaa ka hor istaagi doonta labadaas nin in ay dhaqaalahooda wareejistaan, taas oo lagu fariisin doono wixii hanti ah ee ay macquultahay in uu Maraykanku ka hayo.

Labadan nin ee cunaqabataynta la saaray ayaa si joogto ah loogu ag sawiraa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un markaste oo gantaal la tijaabinayo.

Sannadkii horana dalkaasi wuxuu tijaabiyay gantaalkii ugu riddada dheeraa ee uu abid rido, wuxuuna sheegay in ay hadda wixii ka dambeeyana duqayn karaan dhamaan Maraykanka oo dhan.

Source-BBC

Baaritaan ay wakaaladda wararka ee Reuters samaysay bishii May ayay ku sheegtay in labadan nin iyo Jang Chan-ha oo gantaallada sameeya uu soo xushay Kim Jong-un ayna agtiisa caan ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.