Madaxdii Ugu Badnayd Ee Iska Casisha Xukumada Siilaanyo Oo Dhawaan La Filayo Kuna Biiraya Xisbiga Wadani+Beesha Galbeedka Burco Iyo Koonfurta iyo Bariga Hargeysa

0
385

Hargeisa(Tayosame news) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in maalmaha soo socda ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska Casili doonaan Masuuliyiin tiro badan oo ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco Iyo Koonfurta iyo Bariga Hargeysa islamarkaana ay ku biiri doonaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Wararkan oo aanu ka helnay Illo u dhuun daloola Madaxtooyadda ayaa iftiimiyay inay Masuuliyiintani iskugu jiraan Wasiiro,Wasiiro ku xigeeno,Agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo iyaguna Xilal kale ka haya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaana la filayaa inay dhawaan iska casilaan Xukuumada ka hor intaanay gaadhin doorashada Madaxtooyadda oo loo qoondeeyay inay dalka ka qabsoonto bilawga Bisha fooda inagu soo haysa oo ay maalmo inaga ama bil wax ka yari inaga xigto,iyadoo wararkan lagu sheegay inay masuuliyiintani noqon doonaa kuwii ugu tirada badnaa ee ka soo jeeda Beesha Degta Galbeedka Magaalada Burco,Koonfurta iyo Bariga Hargeysa waxaanay islamarkaaba shaacin doonaan inay ku biireen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka dambaysa Iscasilaadooda balse warar hoose oo aanu ka helnay ayaa daaha ka rogay inay masuuliyiintani si toos ah ula safanayaan oo ay ololaha ugalayaan sidii uu talada dalka ugu guulaysan lahaan Xisbiga WADDANI oo uu ka sharaxan yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),oo ka soo jeeda Beesha degta Galbeedka Magaaladda Burco,Koonfurta iyo Bariga Hargeysa ee ay Masuuliyiintani ka soo jeedaan. Wararkan ayaa intaasi ku daray inay masuuliyiintani ka shaqayn doonaan sidii ay iyagoo isku duuban u soo saari lahaayeen Musharaxa Xisbigaasi oo la sheegay inuu samayn ku yeeshay xilkooda islamarkaana ay rajaynayaa inay xilal ka qabtaan haddiiba uu talada dalka ku guulaysto.
Arintan ayaa waxa hore u jeediyay Xisbiga Kulmiye waxaana wakhtigii uu Mucaaridka ahaa Siilaanyo ee uu sharaxnaa, Xukuumaddii Daahir Riyaale iska casilay Wasiiro ka soo jeeda Bariga Magaaladda Burco oo uu ka soo jeeday Musharaxa wakhtigaasi talada dalka u ordayay ee Siilaanyo waxaanay arintaasi noqotay sunne la kala dhaxlo oo la isku daydo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.