Madaxii Hore Ee Istiraatijiyadda Madaxweyne Trump, Steve Bannon, Oo Laga Dalbaday In Uu Ka Hor Marag Furo Aqalka Congress-ka

0
21

USA (Tayosame News) Wargeyska New York Times ayaa ku waramay in madaxii hore ee istiraatijiyadda Madaxweyne Trump, Steve Bannon, lagu amray in uu ka hor marag furo guddi aqalka Congress-ka ah oo baadhaysa eedaha ah in Ruushku faro geliyey doorashadii madaxtooyada ee Maraykanka iyo in kale.

Af-hayeen u hadlay Robert Mueller, oo ah ninka wada baadhitaankaas ayaa ka gaabsaday inuu warkaa wax ka yidhaa. Hadii se la xaqiijiyo waxay noqon doontaa markii ugu horaysay ee Mueller adeegsaday guddida Congress-ka si uu xog uga helo xubin ka mid ah kuwa ugu dhaw dhaw Trump.Wariyeyaasha ayaa sheegay in ay arintaas astaan u tahay in baadhitaanka Mueller soo xoogaysanayo.

Warkaa wargeysku baahiyey ayaa soo baxay iyadoo la ogsoonyahay in uu hore Bannon xog u siiyey gudida aqalka Congress-ka ka tirsan ee isla eedahaa baadhaya.Trump iyo Banan ayaa isa seegoodu dibadda u soo baxay bishan horaanteedii ka dib markii waraysi lagala yeeshay Bannon book fadeexadaynaya Trump iyo sida uu uga taliyo Aqalka Cad oo uu dhawaan qoray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.