Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Magacaabay Guddiga Xalinta Cabashooyinka Dawladda.

0
55

Puntland (Tayosame News) Markuu arkay baahida loo qabo xafiiska ilaalinta cabashooyinka muwaadiniinta Puntland guud ahaan gaar ahaan shaqooyinka imtixaanka loo galo.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay guddiga xalinta cabashooyinka Dawladda Puntland, kadib markii ay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. 06  January 29, 2018, kuna saabsan Magcaabida Guddiga Xalinta Cabashooyinka Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland.

Markuu Arkay:   Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:  Baahida loo qabo magcaabida gudida xalinta cabashooyinka Dawladda.

Markuu arkay:   Markuu arkay baahida loo qabo xafiiska ilaalinta cabashooyinka muwaadiniinta Puntland guud ahaan gaar ahaan shaqooyinka imtixaanka loo galo.

Markuu Tixgeliyay:In lahelo caddaalada guud oo loo siman yahay.

Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Wuxuu Xeeriyay:

1. Waxaa loo magcaabay gudiga xalinta cabashooyinka

dawladda Puntland oo ka kooban shan xubnood.

1 .Cabdiraxmaan Cali Guureeye : Agaasimaha guud ee maamulwanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa – Gudoomiye.

2 .Jaamac Maxamed Cismaan: Guddoomiyaha Hanti Dhawrka – Guddoomiye ku xigeenka.

3 .Cabdirisaaq Nuux Maxamed  :Agaasimaha Guud Ee Haweenka – Xubin.

4 .Maxamed Muuse Ismaaciil : Garyaqaanka Guud Ee Dawladda – Xubin.

5 .Ciise Maxamuud Cumar :Aagaasimaha shaqada Iyo Shaqaalaha Madaxtooyada – Xubin.

Xeerakani Wuxuu Dhaqan Gelayaa Markuu Madaxwaynuhu Saxiixo Wuuna Saxiixay Madaxwaynuhu.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.