Madaxwaynaha Masar oo Saxiixay Sharci Lagu Xakamaynayo Internet-ka

0
25

Masar (Tayosame News) Madaxwaynaha dalka Masar,Abdel Fattah al-Sisi, ayaa saxiixay sharci lagu adkeynayo xakamaynta adeegyada internetka dalkaasi.

Xukuumadda dalkaasi ayaa sheegtay in tallaabooyiinkan looga gol leeyahay in lagu xaliyo xasilooni darada iyo argagixisada.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda in ay isku dayayso in ay aamusiiso dadka siyaasad ahaan ka soo horjeeda.

Sharciga cusub ayaa ka dhigan in bogagga internet-ka laga xiro karo gudaha waddanka kuwaasi oo xukuumada Masar ay u aragto inay abuurayaan wax halis ku ah amniga qaranka.

Qof walbba oo lagu helo inuu qeyb ka yahay bogagga internetka ama uu booqdo ayaa wajihi doono xabsi ama ganaax.

Ka hor xitaa inta aanan la ansixinin sharcigan cusub, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in in ka badan 500 oo bog durbaba la xiray.

Sidoo kale waxaa jiro hindise sharciyeed kale oo baarlamaankauu meelmariyay bishii la soo dhaafay, balse wali uusan ansixinin madaxweyne Sisi, kaasi oo fasaxaya in cinwakasta oo baraha bulshada ah oo ay ku tixan yihiin inka badan shan kun oo qof la kormeero.

Iyada oo dhammaan dibadbaxyada wadooyinka lagu dhigo la mamnuucay, ayaa internet-ka waxaa uu ahaa madasha keliya ee dadka Masar ay haysteen si ay fikradahooda ugu soo bandhigaan.

Balse madashani waxa ay u muuqata in aysan sii jiri doonin.

Kiis dhawaan dhacay oo soo jiitay dareenka dad badan ayaa waxa uu ahaa haweeney barteeda facebook-ga uga hadashay tacadiyada jinsiga ah ee ka dhaca gudaha Masar taasi oo lasoo xiray.

Amal Fathy ayaa tan iyo wixii markaasi ka dambeeyay lagu eedeeyay inay baahineysay warar been abuur ah, oo u jeedadu ay ahayd inay dowladda ku dhaliiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.