Madaxweynaha Cusub Ee Simbabwe Mnangagwa Oo Xilka Loo Dhaariyey

0
216

Zimbabwe (Tayosame news)  -Waxaa maanta xilka madaxweynenimada Zimbabwe loo dhaariyay Emmerson Mnangagwa, wuxuuna badalayaa madaxweynihii xilka ka dagay Robert Mugabe.

Mnangagwa ayaa horey u ahaa madaxweyne ku xigeenka, wuxuuna muddo aad u dheer lasoo shaqayanayay Mugabe oo xilka hayay muddo 37 sanadood ah.

Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.

Mucaaradka ayaa ka codsaday Mnangagwa in uu soo afjaro dhaqanka musuqmaasuqa ee dalkaas.

Halka dhaarinta ay ka dhacayso ayaa ah garoonka ciyaaraha Harare oo qaadi kara 60,000 qof halkii mar.

Waxaa jira warar ka hadlaya in Mugabe loo fidiyay xasaanad uu kaga nabad galayo in wax dacwad ah lagu soo oogo. Lama filanayo in uu kasoo qeybgalo caleemo-saarka Mnangagwa.

Balse xaqiiqda ah in uusan kasoo qeybgalaynin ayaa waxa ay muujinaysaa in isbadalka dhacaya uusan ahayn mid fudud.

Mnangagwa ayaa balanqaaday shaqo abuur xili heerka shaqo la’aanta Zimbabwe ay gaadhayso boqolkiiba 90%.

“Waxaan rabnaa in aan dhaqaalaha kordhino, nabad ayaan rabnaa, shaqooyinka ayaan rabnaa” ayuu yiri Mnangagwa oo dad kula hadlayay Harare.

Sanduuqa lacagta adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbadal degdeg ah, islamarkaasna hesho deymo.

Lama oga in uu dowlad wadaag ah soo dhisi doono ama xisbiga Zanu-PF oo kaliya uu golihiisa wasiirada ka koobi doono inta uu xilka hayo ka hor doorashooyinka sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.