Madaxweynaha Cusub Ee Zimbabwe Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada

0
42
tayosamenews

Simbabwe (Tayosame news)   Madaxwaynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, ayaa magacaabay golaha wsaiirrada,isaga oo saraakiil sarsare oo militariga ka tirsan u magacaabay jagooyiin sarsare.

Mnangagwa ayaa la dhaariyay todobaad ka hor ka dib markii uu iscasilay Robert Mugabe, oo xukunka dalkaasi hayay 37 sano.

Wasirka arrimaha dibadda ee cusub ee Zimbabwe waa Sibusiso Moyo, waana janaraalkii laba todobaad ka hor sida la yaabka lahayd telefishinka dalkaasi uga dhawaaqaday in awooda dalkaasi ay ciidamada la wareegeen.

Madaxa ciidamada cirka Perence Shiri ayaa loo magacaabay wasiirka dhulka iyo beerarha.

Waxaa uu caan ku ahaa oo uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goobta lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah.

Mid ka mid ah dadka dhaliila dowladda , Tendai Biti ayaa sheegay in wakhtigii dabaaldaga uu dhammaaday.

Biti ayaa intaa ku daray in si sahlan ay u rajaynayeen isbadal taasi oo muujinaysa ayuu yiri sida aan u khaldanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.