Madaxweynaha Dalka Cuba Raul Castro Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee W/kuuriya

0
257

Cuba (Tayosame news)  -Madaxwaynaha dalka Cuba, Raul Castro ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho .

Telefishinka dalka Cuba ayaa baahiyay in labada masuul ay ka wadahadleen mowduucyo la xidhiidha danaha labada dal.

Kulankooda ayaa ku soo beegmaya xilli ay beesha caalamka raadinayso qaab lagu dajin karo xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan hubka Niyukleerka.

Horraanti toddobaadkan Havana iyo Pyongyang ayaa waxa ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku canbaareynayaan Mareykanka.

Balse madaxda Cuba iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ku baaqay in muranka Washinton iyo Pyongyang lagu xaliyo si nabad ah.

Dalka Cuba ayaa xidhiidh dhaw oo dhanka dublamaasiyada ah la lahaa Kuuriyadda waqooyi tan iyo sanadii 1960,balse Cuba waxa ay ka soo horjeeda hubka Niyukleerka.

Xidhiidhka u dhaxeeya dalalkan iyo Mareykanka ayaa ah xilligan mid aan wanaagsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.