Madaxweynaha Masar Oo Wacad Ku Maray Inay Ka Jawaabi Doonaan Weerarkii Shalay Ee Masaajidka

0
344

Masar (Tayosame news)    -Ciidamada Masar ayaa waxay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen Mintidiin la ruymaysan yahay in ay yihiin kuwii fuliyay weerar lagu qaaday Misaajid ku yaalla Sinai .

Weerarka ayaa waxa ku dhintay 235 qof oo Misaajidkaasi ku cibaadaysanayay.

Ciidamadda Masar ayaa waxa ay sheegeen in ay duqaynta la bartilmaameedsadeen gaadhigii loo isticmaalay weerarka.

Madaxwayne Cabdul Fatax al-Sisi ayaa wacad ku maray in weerarkaasi looga jawaabi doono gacan bir ah.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray salaadda Jimcaha.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.