Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo Oo Ka Guuray Qasriga Madaxtooyada Somaliland Una Guuray Gurigii Uu Ka Deganaa Magaalada Hargeisa

0
59

Madaxwaynaha talada dalka dhawaan wareeejinaya Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ka guuray qasriga looga arrimiyo Somaliland ee Madaxtooyada ,waxaana uu u guurey hoygiisa uu hore u degenaan jiray ee ku yaala magaalada Hargeysa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay madaxtooyadu kasoo saartay guuritaanka madaxwayne Siilaanyo hadana wararka soo baxaya ayaa  xaqiijinaya in madaxwaynuhu madaxtooyada Somaliland ka guuray salaasadii todobaadkan,kadib markii uu kulankii ugu danbeeyey todobaadkan golahiisa wasiiradda kula yeeshay madaxtooyada.

Lama oga in madaxwayne Axmed Siilaanyo subaxii kasoo shaqo tago gurigiisa oo uu yimaado xafiiskiisa madaxtooyada madaama oo aanu wali wareejin xilkii iyo inuu hawlaha ka wado gurigiisa.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa wafti ka socday dalka Djabuuti wuxuu khamiistii ku qaabilay guriigisa uu hadda dagan yahay oo ku yaala magaalada Hargeysa.
badhtamaha bishan ayuu madaxwayne Siilaanyo si rasmi ah xilka madaxwaynenimo ugu wareejin doona madaxwaynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.