Madaxweynaha Somaliya Farmaajo Oo Hambalyo Usoo Diray Madaxweynaha Cusub Ee Jamhuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

0
305

Somaliya (Tayosame news) -Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha ayaa shacabka  Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaali oo idil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.