Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Heerka Covid-19 iyo Tallaalkiisa oo Dalka La Keenay

0
888

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka warramay heerka xanuunka Covid-19 dalka ka gaadhay tan iyo bishii maarso ee sannadkii hore oo labadii qof ee ugu horreeyey xanuunkaas lagaga helay Somaliland.

Waxaa kale oo uu madaxweyne Biixi ka waramay inta laga baadhay, inta laga helay iyo inta u dhimatay xanuunka Covid-19.

Madaxweyne Biixi mar uu ka hadlayey Tallaalka Covid-19 oo Salaasadii dalka soo gaadhay oo uu Sabtida noqon doono qofka ugu horreeya ee qaadanaya Tallaalkaas, waxa uu

Geesta kale, Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in xaalad abaareed oo gurmad badan u baahan iyo arrimo doorasho dalka ka taagan yihiin, sidaas awgeedna loo baahan yahay inay Shirkadaha Shidaalka keena dalka ay dib u eegaan qiimaha ay Shidaalka ku iibiyaan, madaama lagu jiro xilli adag oo uu xanuunka Covid-19 oo fara ba’an ku hayo bulshada taasi oo ay u dheertahay biyo yaraan ka jirta qaybo dalka ka mid ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxa uu soo hadal-qaaday arrimaha doorashada iyo dhalliilaha Madaxweyne ahaan loo jeediyo.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa si xawli ah u kordhayay qiimaha lagu iibiyo shidaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.