Madaxweyne Biixi Oo Maalmaha Soo Socda Isku Shaan-dhayn Cusub Ku Samayn Doono Xukuumaddiisa Iyo Meelaha Uu Shiishku Saaran Yahay

0
31

Hargeisa (Tayosame News) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda is baddal kooban ku sameeyo xukuumaddiisa oo toddobaadkii hore boqol-maalmood jirsatay iyada oo wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha xil-sugayaasha Madaxtooyada ka ag dhaw iyo xubnaha hadhaagii xukuumaddii Siilaanyo ah ee xilalka doonaya in ay ku sii negaadaan uu dareenkoodu taagan yahay kadib markii ay soo baxeen xogo hoose oo tibaaxaya in Madaxweyne Muuse is baddal sidii hore ka mug weyn ku samayn doono xukuumaddiisa.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey In Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu qorsheynayo sidii uu is baddal ugu samayn lahaa safka maamul ee xukuumaddiisa isaga oo qorshaynaya in uu is baddal weyn ku sameeyo madaxda hay’ado xukuumadda ka tirsan oo uu qaarkood saluug weyn ka muujinayo wax-qabadkooda halka kuwo kalena uu horeba baddaladooda u diyaarsaday maadaama ay ka mid ahaayeen hadhaaga xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxaanay xubnahaasi u badnaan doonaan Agaasimayaal Guud iyo Meerayayaal.
Xogaha Wargeyska Foore arrintan ka helay ayaa intaasi ku daraya in goobaha diiradda Madaxtooyadu saaran tahay ay ka mid yihiin Hay’ado dawladeed oo aad loo hadal hayo in is baddal dhinaca masuuliyiinta ahi ka qabsoomi doonto waxaana ka mid ah:
– Guddida Qandaraasyada Qaranka
– Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland
Iyo wasaarado dawladeed oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’ado kale oo dawladeed.
Is baddalka Madaxweynuhu damacsan yahay ayaa la filayaa in ay galaafan doonto Masuuliyiin uu isagu magacaabay mudadii uu xilka hayay oo kooban balse waxa ay wararkani sheegayaan in is baddalku u badnaan doono xubno masuuliyiin ah oo ka mid ahaa hadhaagii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo kuwaasi oo Madaxweynuhu baddalkooda u magacaabi doono xubnaha ku jira liiska xil sugayaasha ee muddoba quuddaraynaya ee ka mid ahaa dadkii xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi sida weyn halganka siyaasadeed ula soo galay marxaladihii kala duwanaa, ka hor intii aanu soo gaadhin kursiga qasriga Madaxtooyada.
Si kastaba ha ahaatee Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne Muuse sameeyo is baddalkan la hadal hayo inkasta oo aanu wali Madaxweynuhu ku guulaysan in uu si mug leh u dhammays tiro xukuumaddiisa mudadii uu xilka hayayna qaab-kiisa xil magacaabiseed aad u koobnayn marka laga tago hormadii ugu horraysay ee Wasiirrada iyo Wasiir xigeennada lahayd ee xukuumaddiisa balse wixii intaa ka dambeeyey uu xubno fara-ku-tiris ah kolba soo daynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.