Madaxweyne Donald Trump Oo Soo Bandhigay Sawirrada Hub Casri Ah Oo Uu Ka Iibinayo Sacuudiga.

0
215

Saudi Arabia (Tayosame News) Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo booqasho maalmo ah ku jooga dalka Maraykanka ayaa salaasadii shalay la kulmay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey oo labada nin dhexmara tan iyo intii Maxamed Bin Salmaan loo magacaabay Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa waxaa inta badan looga hadlay dagaalada ka socda; Yemen, Siiriya iyo xaalada Bariga Dhexe.

Qodobada ugu muhiimsan oo kulankan looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa balanqaadkii Sacuudiga oo ahayd in ay hub lagu qiimeeyey 100 bilyan oo dollar ka gadan doonaan Maraykanka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka & Iskaashiga ka dhaxeeya labadaasi dal oo xulafo ah.

Donald Trump ayaa intii uu kulanka socday Saxaafada tusay sawiro qeyb kamid ah hubka uu doonayo inuu Sacuudiga ka gato Maraykanka, ayaa ku faanay in iibka hubkaasi uu dhaqaale badan soo gelin doono dalkooda isla markaana shacabka Maraykankana u abuuri doono shaqooyin badan.

Xiliga kulankan uu kusoo beegmay ayaa waxaa Aqlka Sare ee Maraykanka (Senate) ka socday dood mooshin laga keenay kaalinta Maraykanka ku leeyahay dagaalka Sacuudiga ka wado wadanka Yemen, inkastoo mooshinkaasi codkii loo qaaday ay xisbi Xaakimka Jamhuuriga ku jabiyeen 55 – 44.

Xildhibaanada Xisbi Xaakimka ee mooshinkan kasoo horjeestay ayaa sheegay in Maraykanka uusan wax ciidan ah u dirin dagaalka ka socda dhulka Yemen, kaalinta iyo taageerada ay siinayaan Sacuudigana uu yahay mid muhiim ah oo lagu xakameenayo xoogaga taageerada ka hela dowlada Iran ee Xuuthiyiinta.

Mooshinkaasi oo ay soo gudbiyeen sadex xildhibaan oo uu kamid yahay Senator Bernie Sanders oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa la doonayey in Baarlamaanka ku joojiyo taageerada Maraykanka ka-siinayo Xulafada Sacuudiga dhinaca duqeynta ay ku wadaan Yemen oo ay ku dhinteen kumanaan kun oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.