Madaxweyne Farmaajo Oo Booqday Xerada 21-aad Ee Ciidanka Milatariga (Daawo Sawirro)

0
183

Somalia (Tayosame News) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu wehliyo taliyaha ciidanka Milatariga ayaa maanta booqday xerada 21-aad ee Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ay ku xareesan yihiin ciidamo katirsan Ahlu Sunna.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna ee xeradaasi ku sugan , waxa ayna Saraakiisha Madaxweynaha warbixin kooban ka siiyeen xaaladooda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin in Al Shabaab la dagaalamaan.

Saraakiisha Ciidanka Ahlu Sunna ee ku sugan Xerada 21-aad ayaa u sheegay Madaxweynaha in ciidankan u baahan yihiin taageero dhinacyo badan una diyaarsan yihiin difaaca dalkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay ciidankan, waxa uuna sheegay in hada kadib ay qeyb ka yihiin Milatariga Soomaaliya ayna heli doonaan xaquuq lamid ah tan ay helaan ciidanka kale ee Milatariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.