Madaxweyne Farmaajo Oo Dhagax Dhigay Dekeda Hobyo iyo Mashaariic Kale Oo Dhawr Ah

0
90

Hobyo (Tayosame News) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo goor dhawayd gaadhay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhagax dhigay Dekeda ay yeelaneyso Degmada Hobyo, taasoo ah deked istiraatiiji ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay wado isku xidha Hobyo iyo Caabudwaaq, taasoo noqon doonta Kastamka.

Dhismaha Dekeda Hobyo ayaa muhiim u noqon doona Deegaanada Galmudug iyo gobolada kale ee badhtamaha Soomaaliya, waxaa kaloo ay muhiim u tahay Itoobiya oo noqon karta meelaha ugu dhow ee ay wax kala soo degi karto, maadaama Itoobiya aysan laheyn Deked.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.